Madaxda sare ee shirkadii Barakaat oo soo dhaweeyey go’aankii Mareykanka ee qaadista xaiyraada

Muqdisho(SONNA) Madaxda sare ee Shirkaddii Barakaat ayaa soo dhoweeyay go'aankii maanta uu Mareykanka xayiraada uga qaaday Shirkadaas kadib markii lagu waayay eedeyntii ahayd in ay taageerto argagixisadda.

Cabdullahi Nuur Cismaan, oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Shirkaddii Barakaat oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa uga mahad celiyay Dowladda dadaalka ay ku bixisay arrintaas.

"Aniga oo ku hadlaya Magaca Gudoomiyaha Shirkadda Axmed Nuur Jimcaale, waxaan soo dhoweynayaa in xayiraada laga qaaday Shirkadda, runtii Dowladda waxa ay muddadii 3 sano oo ay jirtay waqti galisay sidii loo qaadi lahaa xayiraada" ayuu yiri Cabdullahi Nuur Cismaan

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si gaar ah u xusay Ra'iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo uu sheegay in door weyn uu ka qaatay