Hanoi-(SONNA)-Kulankii u dhaxeeyay madaxda Trump iyo Kim aysan lagu waramay in aysan jirin wax heshiis ah oo la gaaray ka dib kolkii madaxweynaha Maeykanka uu ku gacanseyray dalab ka yimid Madaxweynaha W/Kuuriya oo la xiriiray in la qaado cunaqabateynta saaran.
Trump oo qabtay shir jaraa’id yaa sheegay in W/Kuuriya ay dooneyso in gebi ahaan la qaado cunaqabeynta,isagoo intaa raaciyay in uusan sameyn Karin arintaasi.
Labada hogaamiye oo kulan laba cisho ah ku yeeshay magaalada Haanooy ee dalka Fiyetnaam,waxaa looga hadlay qodobo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen sidii loo joojin lahaa halista hubka Niyuklerka ah.
Ma jiro heshiis la gaaray balse waxaa la filayaa in kooxaha ka kala socda Mareykanka iyo W/Kuuriya ay u sii gogol xaaraan wadahadallo mustaqbalka ah, Waloow, Mr Trump uu yiri ma jiro qorshe loo sameeyay Shir saddexaad.