Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Cabdi Sheekh Axmed oo shir ku soo xiray Nairobi

Muqdisho(SONNA)--Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa ku soo xiray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kulan muddo laba maalmood ah u socday qaar kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo Hey’adda isgaarsiinta Qaranka.

Kulankan oo looga hadlayey fududeynta dhamaystirka qeybihii ugu dambeeyey ee wadahadalada dhaqaale, farsamo, sharci ee Isku-xirka shabakadaha Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ayaa waxaa fududeynayey khubaro ka tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo kuwa caalami ah.

Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka waxaa ka go’an hirgelinta isku-xir leh sal adag oo sharciyeed, laguna ilaaleyey danta macaamiisha.

Leave a Comment