Maamulka Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir oo la kala diray

Muqdisho.(SONNA)...Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa manta  amar lagu kala dirayo maamulka  Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.

Nuqul ka mid ah qoraalkasi oo soo gaaray Wakaaladda Wararka Qaranka ,isla markaana uu ku saxiixnaa wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashanaya ganacsataa gobolka ay soo magacaabi doonaan maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.