Maamulka Gobolka Bananadir Oo Soo Bandhigay Natiijo Ka Soo Baxday Sahan Dadweyne Oo Muqdisho Laga Sameeyay “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Sahankaan oo ku saabsanaa cudurka Karoona Feyrus ayaa dadweynaha su’aalo laga weydiinayay waxa ay u yaqaanan COVID-19 iyo sida uu sameynta ugu yeeshay noloshooda.

Sahankaan ayaa laga sii daayay ilaa 5 idaacad oo maxalli ah, halkaas oo ay dadka ku soo dirayeen fariimo ay uga soo jawaabayen su’aalihii la weeydiiyay ee la xiriirtay cudurka COVID-19.

Sida ka muuqatay natiijada Sahanka dadka intooda badan ayaa aqoon u lahaa COVID-19, taasoo tusinaysa in Maamulka Gobolka Banaadir uu si mug leh u sameeyay wacyigelin balaaran oo ku aadaneed COVID-19.

Maamulka Gobolka ayaa xilligaan laba jibaarayo dadaaladiisa wacyigalineed ee la xiriirta Feyruska Karoona si loo xaqiijiyo badqabka bushada Soomaaliyeed sida ay shaacisay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Jakeeti.