Maamulka Degmada Heliwaa oo si weyn u xusay 60 guurada xornimada iyo Midnimada Dalka “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Munaasabad lagu weyneynayay 60- guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa lagu qabtay xarunta Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir.

Xafladda oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, ku-xigeenadiisa, taliska booliska degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn looga hadlay taariikhdii loo soo maray halgankii dheeraa ee xornimada dalka iyo doorka dhallinyarada uga aadan inay ka shaqeeyaan horumarka Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo munaasabadda xuska 60 sano guurada xornimada dalka ka hadlay ayaa bulshada ku booriyay inay carruurtooda baraan qiimaha ay maalintan oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay inay aad ugu faraxsanyihiin in xuska 1-da Luulyo ay ku qabtaan xarunta Degmada oo dib u habeyn casri ah lagu sameeyay.

1-da Luulyo sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii Gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Midnimada labada Gobolka ee Waqooyi iyo Koonfur, taasi oo marka la gaaro sanad waliba laga xuso guud ahaan geyiga Soomaalida ay degto iyo caalamka intuba.