Maamul gobolka Hiiraan oo dib u dayactir ku sameeyay Buundooyinka Bur bursan ee Baladweyne+Sawirro

Baladweyne.(SONNA):- Gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo Maaliyadda Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdulaahi Maadeey ayaa sheegey in buundooyinka qaar ee magaalada Baladweyne  ay saameyn ku yeesheen Fatahaadi uu sameeyey wabiga.

Abuukar Maadeey Gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo Maaliyadda Gobalka Hiiran oo wareysi gaar siyey Warbaahinta Dowladda ayaa sheegey in iyagoo kaashanaya qeybaha kala duwan e Shacabka ay ku guuleysteen in ay dib u dayactir ay ku sameeyaan  buundoonka qaar ee muhiimka ah, haddana isku socodka dadka iyo gaadiid uu dib u furmey,isagoona u mahadceliyey cidkasta oo gacan ka geysatey.

“Waxan wadnaa hadda muddo isbuuc  ku dhow dadaalo aan magaalada biyaha uga saareyno dadka qaar ayaa magaalada dib ugu soo laabnaya Laakiin dadka  intooda badan waxa ay weli ku suganyihiin deegaanka ceeljaale Ayuu yiri’’ gudoomiye Abuukar maadeey.

Dhan kale, Guddoomiye Abuukar ayaa shegey in ay dhawaan kormeeer ku sameeyeen Maamulka gobalka iyo wafdi wasiiro ah waddo 5-KM ah oo  dhawaan lagu wado in laami la saaro taa oo hadda wajigeeda koowad soo idlaatay

Guddoomiye Maadeey ayaa ugu dambeyn sheegey in reer Hiiraan sanadkan ay isku tashteen xagga fataahaada Shacabka reer Beledweyne aad ugu ammaanay doorkooda garab istaagga maamulka.