Maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo (Warbixin)

Warbaahinta,waa muraayad laga  daawado  taariiikhda soo jireenka ah iyo horumarka dal kasta uu ka gaaray dhinacyada waxbarashada,tiknalojiyadda iyo guud ahaan waxqabadka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda ilbaxnimada bulshada caalamka ee  mudada fog ku noolaa dunidaan.

Iyadooo laga duulayo muhiimadda Warbaahinta Soomaaliya,waxaa 21-kii Janaayo sanadkii 1973-dii oo ahayd markii ugu horaysay ee uu dalkeenna ka soo baxo Wargeys ku qoran farta Soomaaliga loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saaraya dhinacyada horumarka dadka iyo dalka.

Xuska munaasabaddaan waa mid sanadle ah oo lagu weyneeyo aasaaska warbaahinta Sooomaaliya,taas oo xambaarsan xasuusta dadkii wax ku oolka ahaa ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliya oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qarnigii 19-aad.
 Marxaladihii Saxaafadda Soomaaliya.
1-  Xorriyadda ka hor 
Xilligaaan, waa bilow wanaagsan oo loo qaaday socodsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah saxaafadda,tusaale ahaan waxaa kordhay dadka bartay luqadaha iyo qoraalada kale ee Laatiinka,taasina waxa ay sababtay in ay soo baxaan wargeysyo lagu gudbiyo fariimo xambaarsan naceybka gumeysiga.

Muddadii u dhaxaysay 1935-60-kii, waxaa jiray dhallinyaro aqoonyahanno ah oo isku xilsaaray soo saarista Wargaysyo ay ka mid yihiin Somali Journal, Al-Liwaa, Qarni Afriqiya, Al-Waxda,War Somali side,Corriere della Somalia,Al-Sariixa iyo kuwo kale.
Isla xilligaan  gobollada Woqooyi oo uu gacanta ku haayay Ingiriiska waxaa sanadkii 1943-dii  laga hirgaliyay Raadiyo Hargeysa,halka gobolada Konfureed sanadkii 1951-kii laga furay Raadiyo Muqdisho,waqtigaasi oo  gumeysiga Talyaaniga uu Maxmiyad ku haystay gobollada Koofureed.
 2-Dawladdii Rayadka ee xornimada kadib

In la madax banneeyo xoriyadda hadalka,waxay ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu horeeyay ee ay ku guulaysatay dowladdii Rayidka ee 1960-kii,waxayna arintaasi sababtay in ay kordhaan tirada wargeysyada ka soo baxa dalka, waxayna ku soo bixi jireen luqadaha:-Carabiga, Ingriiska iyo Talyaaniga.

Wargeysyadii ugu horeeyay ee xornimada ka dib soo bixi jiray waxaa ka mid ahaa Sowtu Soomaal,Somali News,Somali review ,Li Oriente ,La Tripuna ,Kifaax, Al-shacab,Al-Waxda, Al-Xaqiiqa iyo kuwo kale.

1-di July ee sanadkii 1961-kii, waxaa fashilmay dadaal ay wadeen dowladdi rayidka oo la xiriiray  isku daygii ugu horeeyay ee la doonaayey in lagu qoro farta Soomaaliga,waxaana guddigii loo xilsaaray ka mid ahaa
1-XaajiMuuse Ismaacil Galaal-
2-Yuusuf Maygaag Samatar-
3-Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)
4-Yaasiin Cismaan Yuusuf kenadiid
,5-Maxamuud Saalax (Ladane
6-Ibraahim Xaashi Maxamuud.
7-Mustaf Sheekh Xasan
8-Shire Jaamac Ahmed,
9-Khaliif Suudi

5-tii Janaayo 1964-tii waxaa dhidibada loo taagay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA,taas oo si buuxda u noqotay isha waraka dalka iyo codka dowladda Soomaaliya.
3-Dowladdii Millitariga

Waxaa hubaal ah in sanadkii 1969-kii,uu ahaa bilowgii dib u dhaca saxaafadda Soomaaliya iyo niyadjabkii qorayaasha ka dib markii ciidamadii qabsaday dalka ay xireen xarumihii wargaysyada,isla markaana ay mamnuuceen xoriyadda hadalka,waxayna doorbideen in labada Idaacadood ee Radiyo Hargeysa iyo Radiyo Muqdisho iyo wargeysyada kala ah Xiddigta Oktoobar,Najmatu Oktoobar,Ogaal iyo Heegan ay noqdaan kuwo loo adeegsado baahinta awaamiirta maamulkii Kacaanka

Sanadkii 1971-dii taliskii talada dalka la wareegay waxay magacaabeen guddi ka soo talabixiya habka loo qorayo farta Soomaaliga,guddigaasina waxay ahaayeen rag aqoon u lahaa nuucyada suugaanta iyo qoraalka noocyada farqoraal ee dunida ka jira,muddo ka dibna waxay soo saareen 18-far oo ay ka mid ahaayeen Cismaaniya,Kaddariya,Al-carabiya iyo kuwo kale.

Guddigaasi oo ahaa kii labaad ee loo magacaabay  qorista farta Soomaaliga,waxay kala ahaayeen:-

1-Shariif Saalax Maxamed Cali------Guddoomiye
2-Yaasiin Cismaan Kenadiid
3-Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal
4-Xuseen Sheekh Ahmed Kaddare
5-Aw Jaamac Cumar Ciise
6-C/laahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya)
7-Maxamed Xaaji Xusein Sheeko Xariir
8- Mustaf Sheekh Xasan
9-Axmed Cali Abokar
10-Yuusuf Xirsi Axmed
11-Cabdi Daahir Afeey
12-Cabdulaahi Xaaji Abubakar
13-Cabdullaahi Ardeeye
14-Xasan Sheekh Muumin
15-Maxamed Nuur Caalin
16-Maxamed Xasan Aadan (Gahayr)
17-Xirsi Magan Ciise
18-Cumar Aw Nuux
19-Axmed Cartan Xaange
20-Cabdiraxmaan Nuur Xirsi
21-Shire Jaamac Axmed

1972-dii waxaa lagu guulaystay hirgalintii qoraalka Farta Soomaaliga oo ay soo diyaariyeen guddi aqoonyahanno ah oo maamulkii kacaanka uu u xilsaaray.

21-kii Janaayo Sanadkii 1973-dii waxay nasiib u yeelatay in ay noqoto maalintii ugu horaysay ee uu dalkeenna ka soo baxo wargayskii ugu horeeyay ee lagu daabaco Farta Soomaaliga, muhiimadda maalintaas ay leedahay darted waxaa loo aqoonsaday in ay noqoto maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Sanadkii 1980-kii waxaa dalka laga hirgaliyay Kulliyadda Saxaafadda ,taas oo soo saartay suxufiyiin badan oo aqoon u leh cilmiga saxaafadda,isla markaana kor u qaaday tayada warbaahinta dalka.

Sanadkii 1983-kii. Waa markii ugu horeysay ee Telefishin ama muuqaal baahiye uu leeyahay qaranka Soomaaliteed  uu si habsami leh uga shaqeeyay dalka,isla markaana laga daawaday warar iyo barnaamijyo tayaysan oo ay ku qanci karaan bulshada.

4-Xilligii Bur-burka iyo soo kabashada

Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qaybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday Wargeysyo, Idaacado iyo Telefishinno madax bannan waana warbaahin ay taabagalinteeda iska kaashadeen aqoonyahanno isugu jiray dad wax ku bartay dalka iyo kuwo kale oo ka soo noqday dalka dibadiisa ,kuwaas oo doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.

Sanadahaan danbe waxay dunidu ku tallaabsatay horumar ballaaran oo qaybaha warbaahinta ah,kadib kolkii,isbadallo horumarsan lagu soo kordhiyay qalabka loo adeegsado saxaafadda,taasina waxa ay dhiirigalisay  in uu xoogaysto tartanka ganacsi ee  dhanka warbaahinta
Dhinaca kale,gudaha Dalka waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo ay hirgalinteeda lahaayeen Ganacsato,dad wax bartay iyo Qurbo jog soo gurya noqday ,waxaana suurtagalay in qaybaha  bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha kala duwan ee macquulka ah.

Waxaa shaki la’aan ah in Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsado horumarka mararka qaarna haddii si qaldan loo adeegsado waxay horseedaa burbur iyo barakac ,sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka dadaalada iyo geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda loogu jiro nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxaa halkaan in lagu xuso mudan warfidiyeennadii haldoorka u ahaa aasaaska iyohorumarka warbaahintaSoomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Max’ed Faarax Xalane Dhaashane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay ee  gala diiwaanka xasuusta saxaafadda Soomaaliya.

Hadaba si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi joogta ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa warfidiyeennada qaybaha warbaahinta dalka.

Muhiimadda 48 guurada maalintaa warbaahinta Qaranka isla markaana ah markii ugu horaysay uu soo baxo wargays ku qoran farta Soomaaliga darted ayaa Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe wuxuu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan qeybaha warbaahinta,gaar ahaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta meel kasta oo ay joogaan.
Wasiirka, ayaa ka waramay  doorka shaqaalaha Warfaafinta iyo kaalinta kaga aadan horumarka dalka,wuxuuna ku booriyay in ay halkaasi ka sii wadaan waajibaadka ay u hayaan dadkooda iyo dalkooda.
Ugu dambeyntii,Mudane Dubbe,wuxuu u rajeeyay shaqaalaha warbaahinta in sanadkan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye