Lix Askari oo ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Pakistan

Islamabad-(SONNA)-Ugu yaraan Lix Askari oo ka tirsan Ciidanka la dagaallama maandooriha ee Dalka Pakistaan ayaa Maanta ku geeriyootay 10 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray markii qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen oo Magaalada Chaman ee Gobolka Balochistan.

Razzaq Cheema, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska ee Dalka Pakistaan ayaa sheegay in laba ka mid ah Dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu halis tahay.

Ra’iisul wasaaraha Dalka Pakistaan, Cimran Khan ayaa cambaareeyay qaraxa lagu dilay Askarta, wuxuuna Alle ugu baryay Dadka dhaawaca ah inuu bogsiiyo kuwa dhintana uu u naxariisto.