Laamaha Ammaanka Boosaaso oo soo saray Miino

Boosaaso(SONNA)--Laamaha amaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa soo saaray Miino kooxo dhagar qabayaal ahi ku aaseen Xaafadda Jidka Soddanka ee Magaaladaasi,

Warka ayaa intaasi ku daray in arrintaasi ay suurtogashay kadib markii ay soo sheegeen Dadka dagan Xaafadaasi, waxaana

Ciidamada amniga ku guulaystay inay si dhib la aan ah u kala fur furaan Miinadaani oo loogu tala galay dhibaateynta Bulshada xaafadaasi.

Ciidamada Booliiska oo kaashanaya laamaha Sirdoonka ayaa baaris baahsan ka bilaabay Xaafadaasi, si loo aqoonsado dhagarqabayaashi ka dambeeyay falkaani.