Kumaandooska Soomaaliya oo Al-shabaab kala wareegay degmada Aw-dheegle

Howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maleeshiyaadka Shabaab kaga qabsaday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose,halkaasi oo maleeshiyaadka Alshabaab ay dadka ku dhibaatayn jireen.

Ciidamada ayaa haatan howlgal ballaaran oo baaritaan amni xaqiijin ah ka wada gudaha degmadaasi iyo nawaaxigeeda,sida uu Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay G/sare Odawaa Yuusuf Raage taliyaah ciidanka lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Khasaare Xogan ayaa howlgalkaasi ka soo gaaray maleeshiyada Alshabaab,waxaana degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda haatan si buuxda gacanta ugu haya ciidanka Xooga dalka,gaar ahaan Kumaandooska Danab.

Dhanka kale guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali(Najax) oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa si faah faahsan nuga hadlay howlgalkaasi xoreynta ah.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.

Z0000008