kulanka isdhaxgalka dhaliyarada qaybta Galbeed ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmda Kaxda+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- kulanka   oo  uu  soo  agaasimay  maamulka degmada kaxda ayaa waxaa ujeedadiisa ahayda xoojinta doorka dhalinyaradda iyo dhaxgalka bulshada ku dhaqan degmooyinka dhaca qaybta galbeed ee Gobolka banaadir .

kulanka oo ay goob  ka ahaayeen   gudoomiyaasha   dhalinyarada  qaybta Galbeed ee degmooyinka wadajir dharkiinleey kaxda iyo dayniile iyo saraakiil ka tirsan Galbeed ayaa waxaa daah furay gudoomiyaha degmada  kaxda  ee  Gobolka  banaadir  Maxamad  Yuusuf  Maxamad.

Dhalinyarada  ayaa  waxaa  lagu  soo   dhaweeyay  dhul  cosob ah    oo  cagaarka   iyo  dooga  ku  badanyahayahiin    kuna wanaagsan  Dalxiiska  oo ku yaala  Degmadaasi

Maamulka    degmada   oo kaa shanaya   dhalinyarada  degmadaasi  ayaa  uu    soo  bandhigay  dhalinyarada  iyo saraakiisha ka soctay  degmooyinka   waxyaaba   ka turjumaya  dhaqanka ay soomaalida  ku  dhaadato  oo geellu  ka mid  yahay   sugaanta   iyo madadaaladuna  ka marnayn  goobta

Qaar ka mid ah dhalinyaradii   ka qaybgashay kulanka  ayaa waxaa  ay  ka dhawaajiyeen  muhiimadda   ay leedahay    midaynta  cududa  dhalinyarada  iyo  kamira dhalinta wada shaqaynta amniga iyo horumarinta wacyiga bulshada ku nool  degmooyinkaasi  aygoo  tusaale  wanaagsan unoqonaya  dhalinyarada  kale ee Dhigoodda ah .

Gudoomiyaha Degmada kaxda ee Gobolka banaadir  Maxamad Yuusuf  Maxamed  ayaa  ku bogaadiyay  dhalinyarada  qaybta galbeed  kaalintii   ay ka qateen   isdhaxgalka   bulshada   waxaana  uu sheegay  in talaabada ay dhalinyara  qaadeen       tusaale u tahay Dhalinyarada  kale ee k u nool degmooyinka Caasimadda.

Dhalinyarada  soomaaliyeed   ayaa   moodaa   mudooyinka  inay ku baraarugeen  ka qaybgalka   horumarinta iyo  dib udhiska  dalka    waxay  tusaale  wanaagsan uyahiin  Dhalinyarada  aasaagood ah   taasi  oo  ay keentay  aqoonta iyo ilbaxnimada  ay ku  talaabsadeen  Dhalinyarada  oo   meesha   ka saartay    tusaalooyinkii  qaldanaa     ee horay  looga  haystay  aygoo  baratan kulan  jira Dhalinyarada  aasaagooda  ee Adduunka  kuwaasi  oo horumar ka sameeyay  nolosha.