Kulan lagu taageerayo howlaha ay Dowladda Fereraalka ka qabatay Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareen+ Sawirro

Dhuusamareeb-(SONNA)-Munaasabad lagu soo dhoweynayo howlaha ay Dowladda Federaalku ka waddo Galmudug, Garwadeenna ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabaddan oo ay ka qeyb galeen Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya,Cabdi Maxamed Sabriye,  Xildhibaanno, maamulka Degmada Dhuusamareeb iyo Bulshada qeybeheeda kala duwan, ayaa lagu jeex-jeexay dedaalladii faraha badnaa ee ay Dowladda dhexe ka geysatay dib u yagleelidda Galmudug loo dhan yahay.

Guddoomiyaha Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Macallin Nuur Cilmi Cabdulle, ayaa sheegay in ay habboon tahay is-garabsiga iyo in Dowlada Dhexe lagu taageero shaqooyin wanaagsan ee ay Dalka ka ka waddo gaar ahaan Galmudug.

Ugaas Cabdi-daahir Ugaas , ayaa bogaadiayay howsha ay Dowladda dhexe ka waddo Galmudug, wuxuuna intaa raaciyay in ay tahay mid mudan in la Garab istaago shaqadaasi, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Senotor; Jawaahir Axmed Cilmi , ayaa waxa ay ku baaqday in Cid waliba oo Galmudug ku abtirsata ay kaalin ka qaadato in laga sii dhaqaajiyo halka la soo gaarsiiyey, waxanay Dowladda Federaalka ku ammaantay doorkii ay ciyaartay..

Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dedaal dheer loo galay howshan, taasina  ay noqotay mid Miro dhasha, isagoo hoosta ka xarriiqay in amniga loo xil-saaray Ciidamadii la isku dhafay, kuwaas oo sugi doona nabad gelyada Caasimadda Dhuusamareeb iyo  meelihii looga baahdo.

Maalmo Kooban ayaa inaga xigta furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo loo madlan yahay in uu ka dhaco Magaalada Dhusamareeb.