Ku-xigeenka agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka oo sheegay in ay dhalinyarada dowr fir-fircoon ka qaateen Horumarka dalka+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo kulan gaar ah la qaatay Dhalinyarada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhalinyarada dowr fir fircoon ka qaateen horumarka dalkeenna.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudada uu xilka hayo mas’uuliyad gaar ah isa saaray gacan-qabashada dhallinyarada iyo sare u qaadidda ka qaybgalka dhallinta ee hannaanka siyaasadeed ee dalka.

 Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebooka ayaa sidan u qornaa:-

Yididiilada iyo firfircoonida dhallinyaradeenu ay u muujiyaan in ay qeyb ka noqdaan horumarka dalkeenna waa mid lagu farxo oo aan xuduud lahayn.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intii uu xilka hayay waxa uu masuuliyad gaar ah iska saaray gacan-qabashada dhallinyarada iyo sare u qaadidda ka qaybgalka dhallinta ee hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Talooyinkii dhaxagalka ahaa ee ay ila wadaageen qaar kamid ah hormuudka dhallinyarada Muqdisho waxaan u adeegsanaynaa si togan oo lagu kobcinayo geeddi socodka dowladeed ee dalka.