Kormeeraha Waxbarashada gobolka Bakool oo booqday Iskuuladii dhawaan  Manhajka cusub lagaarsiiyey “SAWIRRO”

Wasaaradda Waxbarashada Maamul Goboleedka Koofur galbeed iyo Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ayaa iska kashanaya dardar gelinta sidi loogu  wacyigalin laha da’yarta aadista goobaha waxbarasha.

Kormeeraha Wasaaradda Waxbarashada gobolka Bakool Cabdullaahi Aadan Cali (Disow) ayaa  kormeer ku tegay dugsiyadii ay Wasaaradda Waxbarashada gaarsiisey Manhajka cusub ee dowladda  Soomaaliya.

kormeeraha ayaa xafiisyada kula kulmay maamulayaasha dugsiyada,  ayagoo uga xogwaramay sida ay u heleen buugaagta Manhajka waxbarashadda dalka iyo sida ay u gaarsiiyeen dugsiyada ay wax ku bartaan Ardayda gobolka Bakool.

Kormeeraha Waxbarashada oo u warramay Warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay in uu ku wargaliyay maamulayaasha dugsiyada qaar ay ka go’an tahay buugaagta manhajka, islaa markaana ay u baahan yihiin  iskuulada qaar ka mid ah in la dayactiro, isagoo xusay inay aad u kordhayaan tirada  ardayda aada goobaha waxbarashada ee magaalada Xuddur.