Kenya:xuska Nabi Muxamad NNKH oo lagu qabtay Nairobi   

Munaasabaddan oo aheyd mid lagu maamusayay xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed NNKH ayaa lagu qabtay Masjidu Raxma oo ku yaalla xaaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Munaasabadda ayaa waxaa soo qaban qaban qaabiyay culimaa'udiinka ku nool magaalada Nairobi, waxaana ka qeybgalay qaar kamid ah culimada iyo jameecadda Masjidka.

Sheekh Feysal Cigaal Qeyliye oo ah Imaamka Masjidu Raxma iyo Shariif Maxamed Shariif C/fitaax oo isna ah Imaamka Masjidka Al Xaaq Plaza iyo culimada ASWJ ayaa ka sheekeeyay muhiimadda ay leedahay xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH.

Culimaa'udiinka ku nool dalka Kenya ayaa sanad walba marka la gaaro 12-ka Bisha Mowliid oo ah xilliga uu dhashay Nabigeenna Muxamad NNKH waxa ay si weyn u maamuusaan xuskaasi.