Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo furmaya Bisha June

Muqdisho.(SONNA)...Guddiga Joogtada iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kulan la xiriiray sii ambaqaadidda howlaha shaqo ee horyaalla 2-da Aqal ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo u dhacay si habsami leh, waxaa la isku raacay in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka uu bilowdo 6-da bisha soo socota ee June.

Kulankaasi ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ay 27-ka bisha June hor timdo baarlamaanka, si warbixin ku saabsan halka ay marayaan dhameystirka doorashooyinka  looga dhageysto.