Iska diida qasabka oo Xornimo ku noolaada (Warbixin)

Dawladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dar-dargalisay Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish oo ah Sharwadayaal u taagan daadinta Dhiigga Shacabka iyo boobka hantidooda, islamarkaana waxaa sii kordhaya kala firaxdaka Kooxda, waxaa kaloo sii kordhaya isu soo dhiibka gacanta Dowladda, iyadoo horey ay iso soo dhiibeen laba Horjoogeyaal sare oo ka tiran kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidammada dowladda ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Horjoogeyaashaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Goobbe) iyo Food Aadan Maxamuud. Ilo wareedyo laga soo xigtay Saraakiisha Ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka, waxaana Raggaan lagu tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen horjoogayaasha is qariya ee talada kooxda wax ka gooya, tanina waa farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab.

Labada nin ayaa la socday baabuur noociisu yahay Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo kaddibna ka soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere, kan ugu weyn waxaa la yiraa Aadan Goobe, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada, isaga oo u matalin jiray gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale waxaa socda howgallo dhanka xoojinta amniga ah, waxaana Ciidamada amniga ay taariikhdu ahayd 5-April 2019-ka howlgal ay ka sameeyeen magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose waxay ku guuleysteen inay helaan keyd hub ah oo argagixisada ay leedahay halkaas oo ay ka soo saareen 12-xabo Miinooyin oo ah kuwa Anti-Taangiga iyo labaatan Kiilo oo Sunta Qaraxyada laga sameeyo ah.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jiraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa tiri” Noocyada Miinooyinka ayaa ka kooban labo nooc oo kala ah nooca dhulka lagu aaso iyo midka wadada dhinaceeda la dhigo,argagixisadu waxay doonayeen marka ay bisha Barakeysan ee Ramadaan bilaabato iney ku howlgalaan kuna waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degan Gobolka Banaadir.”

Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya sugida amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka,waxayna mudooyinkii ugu dambeeyay wadeen howlgalo lagula dagaalamayo kooxaha nabad diidka Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa weerar qorsheesan oo dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaanka Toora Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo xarun weyn ku leeyihiin dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana Warkaasi shaaciyay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Afrika, kaasi oo lagu sheegay in weerar axadii ka dhacay deegaanka Toora Toorow lagu dilay Saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.

Gregg Olson oo ah Agaasimaha howlgallada AFRICOM ayaa sheegay in ay wadaan qiimeynta weerarkii ka dhacay deegaanka Tooro Toorow xubnaha lagu dilay ay saraakiil ku jiraan, waxa uuna xusay in dad shacab ah aysan khasaaro ka soo gaarin weerarka, wuxuuna intaasi ku daray in Dowladda Maraykaku ay sii wadayaan duqeymaha ay la beegsadaan dagaalyahanada iyo saraakiisha Al Shabaab, waxa ayna Saraakiisha Mareykanka sheegeen in duqeynta lagu garab siinayo ciidanka Soomaaliya.

Waxaa kaloo jira iso soo dhiibidda ay Maleeshiyaadka Al-shabaab isu soo diibayaan Dowladda Soomaaliya ayaa beryahaanba isa soo tarayay waxaana ugu dambeeyay Sagaal sarkaal oo Alshabab ah ayaa asbuucii la soo dhaafay iska soo dhiibay gobalka Gedo, Waxaa ka mid ah labadaan sarkaal oo kala qaabilsanaa maktabka Dacawada( Propaganda-da) Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba), Labadaani Sarkaal ayaa sheegay inay u dulqaadan waayeen hab dhaqanka Kooxda Maleeshiyaadka Al-shabaab, oo mar walba caadeystay inay gumaadaan,islmarkaana Baadaab Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in ugu dambeyntii goysteen inay ka soo baxaan, kana mid noqdaan Ummaddooda.

Ugu dambeyntii waxaan jira halku dhig ay kuwa i soo dhiiba ay mar walba u sheegaan inta ku hartay gacanta Maleeshiyaadka AL-SHABAAB, kaasi oo ah iska diida qasabka ay idinku hayaan Kooxda Al-shabaab oo xornimo ku noolaada.

W.D. C/laahi Ruush