Isbahaysiga Sacuudiga horkacayo oo weerarro cirka ah ka fuliyay Yemen

SANCA-(SONNA)- Isbahaysiga milatari ee Sucuudiga iyo imaaraatka carabta ayaa xalay weerar cirka ah ku qaaday dhowr bar-tilmaameed oo ka tirsan caasimadda Sanca,sidoo kale waxaa laga maqlay magaalada Ma’rib qaraxyo waawayn oo ka dhashay duqaymo gantaallo oo kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen  magaaladaasi.

Weeraradaan Isbahaysiga ee dhinaca cirka ah iyo duqaymaha gantaalaha ah ee Xuutiyiinta ayaa waxaa ka dhashay tobaneeyo dhimasho ah oo u badnaa maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Sida aan ka soo xigannay ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in weerarada dhanka cirka ah ee isbahaysiga lagu bartilmaameedsay waqti danbe ee habeennimadii xalay ah saldhig millatari oo lagu magacaabo Sawad kaasi oo Xuutiyiintu ku leeyihiin duleedka Koonfureed ee Sanca.

Duqaymahaan xagga cirka ah iyo weerarradaan gantaalaha ayaa waxay ka danbeeyeen ka dib markii kooxda Xuutiyiintu sheegteen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu qaaday garoonka caalamiga ah Abha eek u yaal koonfurta Sacuudiga.

Leave a Comment