Inter Millan oo ku biirtay loollanka loogu jiro saxiixa Xiddigga Kooxda Arsenal Aubameyang

Wargeysyadda wax ka qora ciyaaraha ee Yurub, gaar ahaaan GOAL.COM iyo Mirror, ayaa daabacay in kooxda Talyaanniga ka dhisan Inter MIllan ay dooneyso iney suuqa bisha Janaayo ee sanadkaan soo iibsadan laacibka xulka Qaranka Gabon u dhashay, dhanka weerarkana kaga ciyaara Arsenal ee Pierre Emerick-Aubameyang, kooxda horyaalka Serie A ka dheesha ee Inter Internazionale ayaa kula biirtay kooxda Barcelona loolanka Aubameyang.

Barcelona, ayaa horey u damacsanayd iney Aubameyang badal kaga dhiggaan xiddiggoodda luis suarez, oo kal ciyaareedkan ku jira bandhig liita, da,duna ay ka dabatimid.

Jariiradda the Mirror, ayaa warineysa 30 jirka Gaboneneska ah ee Aubameyang, uu wada hadal ku aadan qandaraaskiisa kula jiro kooxda Gunners, heeshiiska laacibkan kula jiro kooxda Arsenal ayaa dhacaya sanad ciyaareedka 2020-2021, balse waxaa uu doonayo in la iibiyo si uusan kooxda beeca xorta ahi kaga tagin. Horey ayaa loo ogaa xiisaha kooxda Barcelona ee Emerick-Aubameyang, haddase INTER , ayaa kuso biirtay doonista xiddigan.

 

C/Wali Bile Cabdullaahi