Nin faafiyay sawirada xasuuqii ka dhacay masjidkii New Zealand oo la xukumay.

New Ziland.(SONNA)...Nin Ganacsade ah oo ka soo jeeda dalka New Zealand ayaa lagu xukumay xabsi gaaraya 2-sano oo xarig ah ka dib kolkii uu baraha bulshada ku baahiyay sawirro Fidiyoow ah oo la xiriira xasuuqii loo geystay 51 ruux oo muslimiin ah oo lagu toogtay masjid ku yiillay magaalda Christchurch ee.

Philip Arps, oo 44-sano jir ah ayaa maalinimadii shalay maxkamad ku taalla magaalada  Christchurch  ka dib markii ay dhageysatay dacwadihii loo jeediyay ,waxay ku  heshay dambiyo ay ka mid yihiin aaminsanaanta sareynta dadka caddaanka ah iyo qeybinta sawirro fidiyoow ah oo tilmaamaya muslimiin maalin Jimco ah lagu xasuuqay 2-masjid.

Dowladda New Zealand ayaa horay u soo sartay amar lagu mamnuucayo qeybinta sawirada la xiriira xasuuqii lagula kacay dadka muslimiinta ah ee ku sugnaa dalkaasi.