Howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab

Kismaayo-(SONNA)-Afhayeenka Wasaaradda amniga maamul Goboleedka Jubbaland, Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen, ayaa sheegay in howlgal ay Ciidamadu ka sameeyeen Tuulooyin ka tirsan Kismaayo iyo Jamaame ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalka oo ka dhacay Tuulooyinka Cabdalla Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ayaa ladu dilay Afar xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka iyagoo halkaasi uga furtay Saanad Ciidan.

C/nuur Ibraahim, Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa intaa ku daray in ay Ciidamadu halkaasi ka sameeyeen baaris haatann ay xaaladdu deggen tahay.