Howlgal lagu dilay 20-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Sh/hoose

Muqisho.(SONNA):- Howlgalkani ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ay kasameeyeen tuulooyinka Buulo urunji, Malable, Siigaale, iyo Busleey, oo hoosyimaado degaanaka janaale ee gobolka Shabeelaha hoose  ayay ku qaarijiyeen 12-maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab kuwaasi oo ku dhuumaaleeysanayay degaanadaasi.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidanka ay ka war heleen in maleeshiyaadka argagixisada ay ku dhuumaaleeysanayaan beero dad shacab ah ay leeyihiin oo ku yaala degaanadaasi.

Madaxa howlgelinta Ururka 84-aad Xoogga Dalka Laba Xidigle Saciid Xuseen ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay maleeshiyaadka argagixisada inay gaarsiiyeen jab xooggan islamarkaasna ay soo bandhigayaan cadaymo muujinaya khasaaraha la gaarsiiyay.

Dhinaca kale, Duqayn  ay si wadajir u fuiliyeen ciidammada Soomaaliya iyo taliska Maraykana ee Africa loona yaqaan AFRICOM kana dhacday  degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay 8-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.