Howlgal ka dhan ah hubka sharci darrada ah oo ka socda Dh/mareeb

Dh/mareeb-(SONNA)-Ciidanka Ammaanka ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka bilaabeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug,Ciidamada ayaa xalay waxaa lagu arkayay qaybo ka mid ah xaafadaha Dhuusamareeb iyo sidoo kale meelaha muhiimka.

Taliska Booliska ee Dhuusamareeb ayaa horay amar uga soo baxay waxaa uu ahaa in gudaha magaalada aan hub sharci darro ah lagu dhexqaadan karin ciddii amarkaas jabisana sharciga lahorgeyn doono.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Dhuusamareeb Maxamed deeq Cabdi Maxamed ayaa soo sheegay in ciidanka qorshahoodu yahay siddii uga hortagi lahaayeen dadka hubka ku dhexwata Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb ayaa isku diyaarinaysa marti galinta doorashadda Baarlamaankaba iyo tan Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug .