Howl-gallada CXDS ee ka socda Gobolka Sh/hoose oo lagu baahinayo Sh/dhexe

Jowhar-(SONNA)-Weerarrada iyo howl-gallada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab ee haatan ka socda Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu wadaa dhowaan in lagu baahiyo Gobolka Sh/dhexe. sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle, Cali C/llaahi Xuseen (Guud-laawe).

Mudane; Cali Guud-laawe, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ay la kulmeen, Madaxda ugu sarreysa Dalka, ayna isla garteen in howl-gallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab lagu fidiyo Sh/dhexe, si loo ciribtiro cadowga.

Hadalkan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guud-laawe ayaa imaanaya xilli ay Ciidamada xoogga Dalku guulo is daba joog ah kasoo hoynayaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya degaanno kooban.

Leave a Comment