Horjooge Sare oo ka tirsanaa Argagixisada Alshabaab oo lagu dilay duqeyn Cirka Ah.

Muqdisho (SONNA)- Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab iyo saaxibada mareykanka ayaa  duqeyn cirka ah ku dilay Cabduqaadir Cusmaan Yaroow oo magaciisu afgarashadu aheyd Cabduqaadir Kumaandoos barqadii maanta.

Howl-galkaan oo ka dhacay tuulada Cadaad Gari ee deegaanka Xabiibiyaal oo ah inta u dhaxeyso magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Kumaandoos ayaa mar ahaa Madixii Jabhadaha Alshabaab, waxa uu sidoo kale u xuubsiibtay Qaybta Propaganda.

Hadda dilkiisa marka uu dhacayay waxa uu madaxa ka tirsanayay xoolo uu saami u helay oo ay Alshabaab baad ahaan kaga qaateen dadka deegaanka.