Ciidanka Xoogga dalka oo dilay Horjooge Al-Shabaab ka tirsanaa

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay horjoogihii Al–shabaab u qaabilsanaa deegannada Awdheegle,Mubarak iyo Daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose

Horjoogahan oo magaciisa la oran jiray Cismaan Gaab ayaa lagu dilay howgal Ciidan oo ka ddacay duleedka deegaanka Awdheegle ee gobalka shabeellaha Hoose sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay howlgal maanta ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen shabeellaha Hoose ku dileen horjoogihii kooxda nabad-diidka uqabilsanaana deegaanada Awdheegle,Mubarak iyo Daarusalaam ee Shabeellaha Hoose .

Ciidmada Xoogga dalka ayaa maalmahan howl-gallo qorsheyn ka waday qeybo badan oo ka tirsan gobollada dalka, waxaana ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Ciidamadu kala wareegeen maleeshiyaadka Al-shabaab deegaanno iyo degmooyinka ka tirsan gobolka iyagoo sidoo kale Khasaaro xooggan gaarsiiyay.