Hirshabeelle oo ka gaashaamanaysa fatahaad uu Webiga Shabeelle sameeyo mar kale

Jowhar-(SONNA)-Wasaaraadda Beeraha iyo waraabka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle oo kaashaneysa Bulshada Jowhar ayaa dib u dayactir  ka billowday goobo looga cabsi qabo inuu fatahaad  ka sameeyo Wabiga Shabeelle, maaddaama xiligaan lagu guda jiro waqtiga Roobka Guga.

Wasiirka Beeraha ee Hirshabeelle, Cali Xaji Isgoowe ayaa Shacabka  Hirshabeelle ee u badan Beeralayda ugu baaqay inay si iskood ah uga qeyb qaataan Carratuurka lagu sameynayo goobaha Webiga uu ka jilicsanyahay si looga hortago fatahaad waxyeello gaarsiisa dalagyadooda.

Beeraleyda degaannada Hirshabeelle ayaa xilligan ku howlan waxsoosaarka dalagyada noocyadooda kala duwan, ka dib fatahaaddii Webiga Shabeelle oo dib u dhigtay Beerahii ay tacban jireen.