HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA (Qeybta 4aad)

Guddigii Luuqada ee 1965
War-bixintii Guddiga ee 1961-kii waxa ay aheyd mid aad u faa’iido badan. Waxa ay aasaas u noqotey meel ay guddi kasta oo raba inay af Soomaaliga far u yeelaan ka ambaqaadaan. War-bixintanu waxay saldhig u noqotey war-bixintii 1966-kii ee ay soo saareen Andrzejewski, Strelcyn iyo Tubiana oo ay hey’ada UNESCO maamuleysay. Waxaa deraasaadka aan sameyney qeyb weyn ka qaatey war-bixinadii Guddigii hore ee Luuqada Soomaaliga ee ay dawladda Soomaalidu sameysay ee Mudane Muuse Galaal uu guddoomiyaha u ahaa.

Guddiga Luuqada ee 1965-kii waxay soo qaateen oo derseen 7 nooc oo faraha ka mid ah, sida tana u kala qeybsan:-
1.Farihii Waddaniga ee Soomaali, Cusmaaniya iyo Kaddariya.
2.Fartii Laatiinka, ee dib-u-habbeynta uu Shire Jaamac Axmed ku sameeyey, taas oo ay ku talo-bixiyeen.
3. Fartii Carabiga.

Guddigu waxay si maldahan ugu taliyeen in farta Laatiinka ee Shire Jaamac uu dib u habbeynta ku sameeyey loo qaato qoraalka far Soomaaliga, hase ahaatee, waxay sharax gaaban ka bixiyeen faraha kale mid kasta faa’iidadda iyo khasaaraha ay leedahay. Markii saddexda khabiir ee luuqadaha ee kala ahaa B.W. Andrzejewski, S. Strelcyn iyo J. Tubiana ay magaalada Muqdisho yimaadeen bishii Maarso, 1965-kii.

Sida aad war-bixintan ka arkaysid arrintanu waxay aheyd mid nasiib-daro ah. Guddigu waxay ka madax bannaanaayeen wax kasta oo eex ama dhan u iilasho ah. Laakiin war-bixintu waxay soo baxday markii uu maamulka laga qaadey Wasiirkii Koowaad ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo loo wareejiyey Wasiirka Koowaad ee cusub Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isna mawduucaas khaanada ayuu geliyey ilaa wakhti kale laga gaarayo.

Guddiga Luuqada ee 1965-kii waxay war-bixintoodii ku caddeeyeen in dad badan oo Soomaali iyo ajinebi ah ay isku dayeen inay afka Soomaaliga qoraal u sameeyaan, sababta qoraal la’aanta Af-Soomaaliga haysata aysan ahayn mid dhinac farsamo ah ee ay tahay fikradaha iyo ra’iyiga kala duwan ee ay dadweynuhu ka qabaan sidii af Soomaaliga loo qori lahaa (The 1965 Linguistic Commission).

Arrin siyaasadeed ayey ahayd sababta ugu muhiimsan ee keentay qoraal la’aanta Af-Soomaaliga muddada dheer haysatay. Fikradaha kala duwan dadweynuhu ka qabaan qoraalka fartu waxay ahaayeen kuwo aad u waaweyn, taas oo sababi karta mudahaaraadiyo, dood aad weyn oo bulsadda dhex marta iyo waliba waxaa macquul ahayd inay rabshado iyo qulqulado aad u fool xun dhacaan. Bishii Oktoobar 21, 1969-kii waxaa maamulkii waddanka gacanta ku dhigay dawlad kacaan ah. Dawladdaasi waxay ahmiyada saartey sidii Af-Soomaaliga far loogu sameyn lahaa.

Qoddobadii xeerka qoraalka ah ee uu Kacaanku ballan qaadey waxaa ka mid ahayd in Af-Soomaaliga far loo sameeyo. Dawladdii kacaanka aheyd si ay xal uga gaarto arrinkaas waxay xoojisey Guddigii Luuqada Af-Soomaaliga, waxayna laf-dhabar uga dhigtay arrimaha luuqada.

Bishii Janaayo 20, 197kii ayaa waxaa la magacaabey Guddiga Luuqada ee Waddanka, waxaana loo xil saarey inay diyaariyaan buuggaag kala duwan oo Af-Soomaaliga ku qoran. Buugtaas waxaa ka mid ah buug naxwe ah iyo qaamuus eray bixinta aayniska ah oo shan kun oo eray ka kooban. Waa inay adeegsadaan farta ay is leeyihiin wey ugu habboon tahay.

Laakiin ay fartaas ku beddelaan mida rasmi ahaan loo qaato. Hase ahaatee, guddigaas awood looma siin in farta Soomaaliga ee la qaadan doono go’aan ka gaaraan. Go’aanka farta rasmi ahaan loo qaadaneyo waxaa iska leh Golaha Sare ee Kacaanka (SRC).

Kadib markii ay la tashi la sameyeen khubaraadii luuqada, waxay Golihii Sare iyo Golihii Xoghayeyaashu (ama Wasiiradu) go’aan ku gaadheen in farta Laatiinka ee Shire Jaamac loo qaato farta rasmiga ah ee af Soomaaliga lagu qori doono, laakiin wax yar oo is beddel ah ayaa lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybineyo. Sannad guuradii seddexaad ee Kacaanka oo ku beegneyd 21 Oktoobar, 1972-kii ayuu Madaxweynihii Golaha Sare ee Kacaanka Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doonno qoraalka far Soomaaliga. Marka uu Madaxweynuhu waday khudbadii ku saabsaneyd qoraalka farta ayaa dayuuradaha qumaatiga u kaca dadweynaha dushooda ku daadineyeen waraaqo ay ku qoran yihiin farta cusub ee Af-Soomaaliga. Waxaa dalkoo dhan laga sameeyey bannaan baxyo fartaas lagu taageerayo, kuwa mucaaradka ku ahna lagu cambaareynayo. Soomaaliga ayaa la caddeeyey inuu yahay Af keliya ee dalku leeyahay. Dhammaan shaqaalaha dawladda derejo kasta ha lahaadaane waxaa lagu amrey inay imtixaan ku saabsan qoraalka iyo akhriska ku gudbaan muddo saddex bilood gudahood ah, muddadaas oo markii dambe laga dhigey lix bilood. Qofkii ku gudbi waayana shaqada waa laga eryeyaa.

Run ahaantii, tallaabadan geesinnimada leh waxay ahaan doontaa mid ay dhammaan Soomaaliga maskaxdooda ku qoranta oo aysan illoobin. Suugaan badan oo tallaabadaas lagu ammaaneyo ayaa la tiriyey. Dadka Soomaalida caadiga ah, marka laga reebo kuwa diinta ama aqoonyhanka ah xiiso badan uma qabaan inay afafka ajinebiga bartaan. Dadka Soomaalidu wey ka soo horjeedeen luuqadaha kala duwan ee ajinebiga ah ee dalka laga isticmaaleyo. Tusaale ahaan, Soomaalidu marka meel kasta oo dunida ah oo ay ku kulmaan, si kastooy af ajinebi u yaqaanaan, waxay ku wada hadlaan afkooda hooyo. Taasina waxay muujineysaa qabka iyo jecaylka ay afkooda u hayaan.

Muddo gaaban ayuu qoraalkii cusbaa ee fartu ku fidey Jamhuuriyadda Dimoqiraadiga ee Soomaaliya iyo dhulalka kale ee af Soomaaliga lagaga hadlo ee ay ka mid yihiin Soomaali Galbeed, Jamhuuriyada Jabuuti iyo Gobolada cirifka koofureed ee Kiiniya heysato (NFD). Waxyaabaha fartanu ay sida dakhsaha ah ugu baahdey waxaa loo nisbeyn karaa sida sahalka ah ee loo baran karo, ololihii horumarinta reer miyiga, Soomaaliyeyntii waxbarashadda iyo maamulka iyo weliba kaalintii qalabka warbaahinta.

Kadib markii sidaas looga dhabeeyay qoristii Farta Soomaaliga, waxa ay dowladdi guntiga dhiisha u xiratay sidi bulshadda Soomaaliyeed qoraalka Afkooda loo gaarsiin lahaa.

Dhammaad.

W/D: DALJIR ABDULLAHI NUUR
EMAIL: [email protected]/ +252 615 985482
Waana habeyntii C/laahi Ruush