Guddoomiye Najax oo ka tacsiyadeeyay weerarkii lagu dilay Caawa Guddoomiye Koosto

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali  Najax ayaa ka tacsiyadeeyay weerarkii caawa lagu dilay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda degmada Walaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar (Koosto) oo ay Caawa kooxo hubeysan ay ku weerareen hoyga uu ka degenaa Walaweyn.

“Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose, ku-xigeenadiisa iyo dhammaan howlwadeenada maamulka waxa ay tacsi u dirayaaan dhammaan qoyska iyo asxaabta Guddoomiye ku-xigeenkii Degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto) oo koox argagixiso ah ku weerareen hoygiisa, isla markaan u geeriyooday dhaawac ka so gaaray weerarkaasi  u geeriyooday ugu dambeynta ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Najax.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada ayaa sheegay in lagu raad joojo dadkii ka dambeeyay falkaan, waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen Aabihiis iyo xaaskiisa .

Ciidamada amaanka ayaa ku daba jira raga geestay falka iyadoo gacanta Dowladda lagu soo dhigi doono Inshalaah.