Guddoomiye Mursal oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ra’iisulwasaarihii Hore Xassan Abshir Faarax

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Ka Tacsiyadeeyey Geeridi Ku Timid Allaha ha unaxariistee Ra'iisulwasaarihi Hore Xassan Abshir Faarax oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga ee uu maalmahaan ku xanuunsanaa.

Anigoo Ku hadlaya magaca Xildhibaanada iyo Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Waxan Tacsi Tiiraanyo leh U Direynaa Dhaammam Shacabka Soomaliyeed , gaar ahaan Eheladii Iyo Qoyskii uu Ka baxay Ra,isalwasaarihi Hore ee dalka Xassan Abshir Faarax.

Alllaha ha naxariistee Marxuumka waxa uu kuulin weyn Ka soo qaatay Dowladnimada iyo Dib-Udhiska dalkeena, Waxaa Alle Subxaanahu Watacaala uga Baryeynaa inuu Naxriistiisa Janno uu Ka waraabiyo, guud ahaan Ummada Soomaliyed iyo Anaguna Samir Iyo Iiman allah hanaga Siiyo”

“Innaa Lillahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun