Guddoomiye ku-xiggeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir oo ka qeyb gashay bandhigga buugga Mug iyo Maan “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Guddoomiye ku- xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi gelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa ka qeyb gashay Bandhiga Buuggaa Mug iyo Maan oo ay qortay Qoraa Ugbaad Cabdi Nuur.

Munaasabad kooban oo lagu soo bandhigayay buugaan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa kaloo ka qeyb galay Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan iyo qeybaha bulshada ee ku nool caasimadda.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa ku booriyay dhallinyarada gobolka ku nool inay soo bandhigaan aqoontooda oo ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Guddoomiye ku- xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi gelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa Qoraa Ugbaad Cabdinuur uga mahadcelisay sida ay maskaxda u shiishay oo ay u qortay buugan, waxaana ay dhallinyarada ku bogaadisay inay joogteeyaan soo bandhigga hibada uu Alle ku maneystay.