Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo kormeeray xarunta ciidanka xoogga ee Balad Xaawo “SAWIRRO”

Balad Xaawo (SONNA) - Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo ahna madaxa amniga iyo siyaasadda gobolka Madane Cismaan Nuux Xaaji Maclimow oo ku sugnaa maalmahii la sooo dhaafay Degmada Doolow Soomaaliya aya maanta gaaray Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa kormeeray xarumaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ku suganyihiin ee Degmada Balad Xaawo, waxaana uu kulan is xogwareesi ah la qaatay saraakiisha ciidanka, kaasi oo kaga wada hadleen adkeynta ammaanka guud ee Degmada iyo xadka Soomaaliya ay la wadaagto dhanka Kenya.

 

Leave a Comment