Guddoomiye ku xigeenka Cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo Xilka La wareegay

Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa  maanta xilkiisa kula wareegay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iiman iyadoo uu goob joog  ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa ka qeeygalay munaasabda xil-wareejinta

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  u magacaabay  Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iiman ka dib wareegto xilka looga qaaday  gudoomiyihi hore Ibaarim dheere.