Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galay Kulanka Golaha wakiiladda Puntland “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Wafdi Xildhibaano ah oo ka kala socda Golaha Shacabka iyo golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” ayaa waxa ay maanta ka qeyb hadleen Kulanka Aqalka wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka Wakiiladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo” oo kulanka shir Guddoomiyay islamarkaana Kulanka furay ayaa wafdigan Kulanka Aqalka kusoo dhoweeyay,waxa uuna sheegay in wada shaqeyn aad u wanaagsan ay ka dhaxeyso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Wakiilada ee Dowlad Goboleedka puntland muhiimna ay tahay in lasii dardar geliyo.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu mar walba diyaar u yahay in Aqalka wakiiladda Puntland uu kala shaqeeyo diyaarinta shuruucda kala duwan iyo kor u qaadida Tayada Xildhibaanada iyo howlwadeenada Aqalka wakiilada Puntland si ay ugu suura gasho fulinta howlaha horyaala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo amaanay howlaha Ay hayaan Aqalka wakiiladda Puntland ayaa ka hadlay dhowr arrimood Oo ay ka mid yihiin Arrimaha dib u eegista dastuurka iyo doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona sanadka 2021-ka oo ah ka mid ah waxyaabaha ay Hada aadka u daneynayaan Golayaasha wakiilada ee Dowlad Goboleedyada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Aqalka wakiiladda Puntland ayaa su’aalo la xiriiray dhameystirka dastuurka iyo Arrimaha doorashooyinka waxa ay weydiiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare oo Aqalka wakiilada Puntland u faah faahiyay su’aalo ay ka qabeen kala aragti duwanaansho dhowr soo laa laabtay iyo sidii loo xaliyay ,waxaana Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu aad Xildhibaanda Aqalka wakiilada Puntland ugu faah faahiyay sida uu dastuurka kmg ah ee Dalka uu u kala xadidaayo awoodaha hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta ee dalka iyo sidoo
Kale muhiimada ay leedahay wada shaqeynta guud ahaan baarlamaanada dalka.

Sidoo kale waxa ay ugu dambeyn kormeereen qeybaha ay ka koobantahay xarunta Aqalka golaha wakiilada Puntland iyagoona kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland.