Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeeray Xarumaha Caafimaadka Gaalkacyo+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Cabdiraxmaan Cali Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa maanta kormeer ku tagay Isbitaalka Gaalkacyo ee Galmudug, wuxuuna socdaalkiisu ku saabsanaa Baraarujinta Bulshada si looga hortago Cudurka COVID 19

Kormeer kaddib Guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Isbitaalka iyo Howlwadeenada Caafimaadka isagoo kala tashaday Hannaanka ugu wanaagsan ee cudurkaan looga hortagi karo.

Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo Dr Maxamed Cabdi ayaa kaga mahadceliyay Guddoomiye Cabdiraxmaan kormeerkiisa, isagoo intaa ku daray inay ku dadaali doonaan ka hortagga cudurka COVID-19.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa sheegay inay magacaabayaan Guddi la shaqeyn doono Maamulka Isbitaalka, isagoo ka dalbaday Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Caafimaadka inay Gobolka Mudug soo gaarsiiyaan qalabkii Caafimaadka ee loogu talo galay COVID 19.