Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Guddi kasoo tala bixiya Waddooyinka xiran ee Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ayaa Maanta Magacaabay Guddi ka shaqayn doona diyaarinta iyo kasoo tala bixinta qorshaha ay Dowladda hoose ee Xamar ku dooneyso in lagu furo Waddooyinka muhiimka ah ee xiran.

Guddigan uu Magacaabay Guddoomiye Cumar Filish oo ka kooban xubnood ayaa kala ah, Maxamed C/llaahi Maxamed (Tuulax), oo madax ka ah Guddiga, Saadaq Cumar Maxamed, Ibraahim Macallin C/llaahi, Axmed Xaaji C/kariim (Ducaale), Col; Cabdi Cusmaan Yuusuf, Cabdi Maxamed Baarruud iyo Col; Daahir Maxamed Tuur-yare.

Warqadda lagu Magacaabay Guddigan ayaa lagu sheegan in xubnahaasi laga doonayo in ay si habsami leh ugu shaqeeyaan qaabkii loo furi lahaa Waddooyinka muhiimka ah ee xiran.

Leave a Comment