Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo daah furay mashruuc cusub “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.

Kulankani ayaa ujeedkiisu ahaa dardargalinta mashaariicda horumarineed ee ka socota Caasimadda oo ay fulinayaan Midowga Yurub iyo sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicdaas.

Kulanka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish iyo Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya ayaa si Wadajir ah u daahfuray mashruuca Saanqaad oo ah mashruuc cusub oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo horumarinta ganacsiga cusub ee Caasimadda.