Guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka oo caawa kulan ku yeeshay Muqdisho+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caawa Kulankooda Labaad ee Kalfadhiga 7-aad ku yeeshay Xarunta Guddiyada iyo Guddoonka Golaha Shacabka.

Waxayna kulankooda uga Hadleen Shuruucda la taala ee Golaha Shacabka iyo Sidii Loo Kala horumarin Laha ama mudnaanta loo Kala siin Lahaa Maalmaha la kala gelinayo shuruucda Golaha hor yaala.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sidii shaqada Baarlamanka loo kordhin lahaa Islamarkaana inta waqtiga Baarlamanka ka harsan loo dardar Gelin Laha Dastuurka Kumeel Gaarka ee Dalka.

Kulan Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa Waxa Shir Guddominaayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday.

Kulanka Marku Soo Dhamaaday ayaa Xoghayaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Cabdikarim Xaaji Buux Warbaahinta u Faahfaahiyey.