Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo korjoogto ka ah Doorashooyinka Nigeria+Sawirro

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey)  ayaa  korjoogta ka ah doorashooyinka ka socda Dalka Nigeria.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan  ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ka qeyb-qaadaneysa daabulidda agabka doorashada, tababaridda hawl-wadeennada KMG ah ee goobaha cod-bixinta iyo sidoo kale wada-shaqeynta Guddiga iyo daneeyayaasha doorashadan.

Ka sokow inay guddoomiyaha iyo wafdigeedu ay qeyb ka yihiin hawl galka Midowga Afrika ee korjoogteynaya doorashada dalka ugu dadka badan Afrika, waxaa sidoo kale arrintan guddoomiyaha iyo wafdigeeda ay u tahay fursad ay ku soo kororsadaan waaya aragnimo u fududeysa inay ka soo baxaan waajibka loo igmaday oo ah inay Soomaaliya ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah 2020-ka.

Korjoogayaasha ayaa la filayaa inay warbixin dhameystiran kasoo saaraan markii ay Soo dhamaadaan doorashada ka socota Nigeria.