Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise-sharciyeedka mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka

Muqdisho-(SONNA)-Xildhinaabada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kalfadhiga 7-aad kulankiisa 14-aad ku ansixiyay hindise-sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Mudane ,Cabdiweli Sheekh Ibraahim ayaa hindisahii lasoo bandhigay waxaa oggolaatay137 mudane, waxa ka aamusay Hal Xildhibaan, waxaana diidday Shan mudane.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur oo kulanka goob-joog ka ahayd ayaa Golaha Shacabka ugu mahad-celisay meel marinta hindise sharciyeedkan.

Dhanka kale waxa ay Maanta mudanayaasha Golaha Shacabku aqrinta 2-aad marsiiyeen hindise sharciyeedka qareennada Soomaliyeed.