Golaha shacabka BFS oo maanta u fadhiya kulankoodii 21-aad Kalfadhigisii lixaad “Sawirro”

Kulanka oo uu Shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Golaha Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ujeedkiisa ahaa Sii wadista akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo Tobaaddkan ay doodiisa Socotay.

Ka Hor Dooda inta aysan bilaaban ayaa Guddonka Golaha Shacabka waxay Ka Tacsiyeyeen Dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay weerarki xalay Ka dhacay Hoteel SYL.

Kulanka manta ayaa sidokale Xildhibaanada Golaha Shacabka waxay Ka hadlayaan Fatahaado hor leh oo uu sameynaya Wabiga Shabeelle.