Golaha Ammaanka oo Bogaadiyay korarka dakhliga Dowladda Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka oo looga hadlay xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya ayaa lagu muujyay guulalaha laga gaaray dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay gelisay kor u qaadidda dakhliga gudaha si ay u gaarto isku filnaansho dhaqaale.

Warbixnta  ayaa lagu caddeeyay in dakhliga gudaha dalka Soomaaliya laga soo aruuriyay intii u dhexeysay January iyo November 2018 uu ka badnaa sannadkii ka horreeyay uuna gaaray $161 million.

Sannadkii  2017 ayaa warbixinta lagu sheegay in dakhliga guduhu ahaa $142.6 million.

Qoraalkaan golaha ammaanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dakhligaas badan ee gudaha kasoo xarooday uu ahaa natiijada kasoo baxday dadaaal ballaaran oo joogta ah oo la geliyay aasaaska canshuur qaadisata, hagaajinta iyo awoodaynta hannaaka canshuur aruurinta iyada oo bishii June 2018 la sameeyay xafiis cusub oo canshuuraha u gaar ah.