Garoonka diyaaradaha Cadan oo dib u shaqo bilaabay

Cadan-(SONNA)-Wasiirka arimaha Gudaha ee dalka Yemen mudane Ibraahim xaydaan ayaa sheegay in maanta oo isniin ah dib loo bilaabayo shaqooyinkii garoonka diyaaradaha Cadan ee dalkaas.

Wasiirka oo waraysi siiyay wakaaladda wararka ee dalka Yemen ayaa sheegay in dowladdu go’aan satay in si deg-deg ah loo soo celiyo shaqooyinkii ka socday garoonka diyaaradaha si looga gudbo dhibaatooyinka ku imaan kara dadka musaafiriinta ah.

Mudane Ibraahim xaydaan wasiirka arimaha Gudaha Yemen, ayaa intaas ku daray inay ka adkaan doonaan kooxaha argagixisada ah ee doonaya inay hor istaagaan horumarka iyo degganaansha dalka Yemen.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimnatay saddex qarax oo ka dhacay garoonka diyaardaha Cadan isbuuci lasoo dhaafay xilli xubno ka tirsan xukuumada cusub ee dalkaas ay kasoo degayeen garoonka.