Galmudug oo shacisay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa ka dhawaajiyay in uu bilowaday dagaal ka dhan ah AL-shaab oo loga saarayo goobaha fara ku tiriska ah ee ay kaga suganyihin deegaanada maamulka galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaadeen  in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab .

Maamulka Galmudug,waxa ay xuseen in howlgalka lagu saarayo maleeshiyaadka argagixisada ay iska kaashan donaan ciidamada dowlada iyo beesha caalamka,iyagoo dhinaca kale kula dardaarmay dadka Gobolkaasi in ay gacan ka geystaan la dagaalanka Al-shabaab.

Hadaladaan ka soo yeeray Madaxda Galmudug ayay imaanaya  xili ay booqdeen deegaanka Shabeeloow oo ay ku  dagaalameen  dad shacab ah iyo kooxda argagixisada Al-shabaab