Galmudug oo goordhow dooranaysa Guddoomiye Baarlamaan

Dhuusamareeb-(SONNA)-Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo qabashada Araajida murashixiinta u taagan Guddoonka Baarlamaanka cusub ee maamul Goboleedka Galmudug.

Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka  Cusub  ee Galmudug ayaa Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay qabtay Araajida Lix Musharax.

Dhinaca kale, Baarlamaanka Cusub ee Galmudug ayaa goor dhow yeelan doona kulankoodii ugu horreeyay, kaas oo ay kaga arrinsan doonaan wax qabadka horyaalla, iyagoo iska waraysan doona halka ay wax marayaan iyo sidii loo wajihi lahaa howlaha dhiman.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxaa xigi doona doorashada Madaxwenaha iyo ku xigeenkiisa.

Leave a Comment