Gal-Mudug oo u diyaargaroobaysa ka hortagga COVID19

Dh/Mareeb -(SONNA)-Shir deg deg ah oo looga Arinsanayo diyaargarowga ka hortaga Covid-19 oo u dhexeeya Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo hay'adaha Caafimaadka, Nafaqada iyo Nadaafada ee Galmudug ayaa hada ka furmay Magaalada Dhusamareeb ee xarunta Galmudug.

 Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Gal-mudug Dr C/wali Axmed Maxamuud ayaa Shirkaan furay, waxuuna sheegay ina ujeedka kulanka yahay sidii loo samayn lahaa ka hortag looga Gaashaamanayo Faafitaanka Covid-19 ka maadaama kiiskii ugu horeeyey laga diiwaan galiye dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 Dhinaca kale Agaasimuhu wuxuu sheegay in la diyaarinayo koox Caafimaad oo magaalada Muqdisho u aadi dootna Tababar  ay ku qaadan doonaan sida loo sameeyo ka hortagga, waxa uuna xusay in dhowaan qalabka baaritaan cudurka COVID 19 la soo gaarsiin doono Galmudug.