Erdogan iyo Trump oo ka wadahadlay xiisadda Badda Mediterraneanka ee Giriigga iyo Turkiga

Washington-(SONNA} -Madaxweyniyaasha Turkiga Tayyip Erdogan  iyo Donald Trump ayaa telefoon kaga wadahadlay  xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo xiisadda ka taagan badda Mediterraneanka ee u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga, sida uu sheegay xafiiska madaxwayne Erdogan.

Xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga ayaa sare u kacday kadib markii xukuumadda Ankara u dirtay markabkeeda sahminaya biyaha lagu muransan yahay ee bariga badda Mediterraneanka, talaabadaas oo Athenis ugu yeertay sharci darro.

Labadan daal oo ka wada tirsan gaashaan-buurta NATO ayaa khilaaf xooggan ka dhexeeyaa, waxayna wada sheeganayaan milkiyadda kheyraadka ku jira biyahaas oo uu  ka mid yahay gaaska dabiiciga ah, iyadoo muranka labada dhinac  uu salka ku hayo qalfoof badeedka ay ku firirsan yihiin jaziirado Giriiggu sheegto.