Dunida oo laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

Maanta oo kale waxaa Caalamka laga xusaa maalinta Afka hooyo, waxaana bishii Nofembar sanadkii1999-kii shir ay qabatay Hey”adda UNESCO ee Qaramada Midoobay, la isku raacay in wixii ka dambeeyay 2-dii kun sanad kasta la qabto xuska maalinta Afka Hooyo.

Afka Soomaaligu waxa uu ka mid yahay luqadaha looga hadlo Qaaradda Afrika,gaar ahaan Geeska Afreika,waana luqadda keliya ee kulmisa dad aad u fara badan oo ku kala baahsan ama ku kala noo dhul aad u  ballaaran oo dhaca ama u dhexeeya Gacanka Tojorra ilaa iyo Webiga Tana ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.

 Inkastoo Farta Soomaaliga la qoray sanadkii 1972-dii,haddana waxaa jiray xoriyadda ka hor dad badan oo aqon u lahaa luqadaha Faransiiska,Ingiriiska ,Carabiga iyo Talyaaniga,isla markaana gacan ka geystay soo ifbixii  ama hindisihi lagu qoray Afka Hooyo.

1-di July sanadkii 1961-dii, Dowladdii Rayidka ee uu hoggaaminaayey Aadan C/lle Cismaan,waxaa la aasasay mac-had iyo qorayaal Soomaliyeed oo ka baaraan-dega habka loo heli karo qoraalka Far Somaaliyeed oo qoran,hasa yeeshee,isku daygaasi waxa uu noqday mid fashilma ka dib markii la isku qabtay nidaamka xuruufta ee farta Laatiinka iyo Carabiga.

 Sanadkii 1971 waxaa Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii ay ku guuleysteen magacaabidda Guddi ka soo tala ixiya habka loo qorayo Afka hooyo,Guddigasina waxa iska ku yimid fashil la kale.

Bishii Oktoobar 21keedii, sannadkii 1972-dii Dowladdi Kacaanka aheyd ee Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday go’aan ah in farta Laatiinka loo isticmaalo qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo  isbeddel yar lagu sameeynaayo nidaamka erayada,gaar ahaan xarfaha shaqalada iyo shibanayaasha.

Bishii Jannaayo 21-keedii 1973dii,waa markii ugu horreysay ee uu dalka Soomaalia ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, isla markaana Manhajka waxbarasho loo adeegsado Dugsiyada Dalka,ka dib kolkii Guddi Aqoonyahanno ah oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Gudigii qorista Afka Soomkaaliga ay diyaariyeen nidaamka naxwaha Afka Hooyo.

Weey iska muuqata in ay jiraan burbur ku yimid luqadda Afka Soomaliga,hasa yeeshee marka loo eego tirada dadka wax qora ama wax akhriya aad ayeey u kordhayaan, sababtuna waxa ay tahay Hey’ado gaar ah ayaa burburkii ka dib xil iska saray sii ambaqaadidda Manhajyadii waxbarasho ee dalka,inkastoo Aqoontii cilmiga ay ku fudbiyay luqado Ajanabi ah.

Mas’uuliyiinta Dowlada,gaar ahan kuwa Waxbarashada oo kaashanaaya maamulka Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ayaa ku howlan soo celinta nidaamkii waxbarasho ee dalka,waxaana haatan socda dadaallo Gobolada Dalka loogu qeybinaayo manhajyo ku qoran Afka Hooyo oo loo qorsheeyay mustaqbalka waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Waxaa qoray C/qaadir Fantastiko