Dowladda Ethiopia oo Ismaamul cusub ka dhisaysa deegaanka Tigreega

Adis-Ababa (SONNA)- Aqalka sare ee Baarlamaanka Ethiopia kaas oo loo yaqaan “House of Federation” ayaa maanta ansixiyay go’aan dowlad ku-meel gaar ah loogu dhisayo is-maamulka Tigreega ee dalka Ethiopia.

Qaraarka aqalka sare ee Ethiopia meel mariyay ayaa ka dhigan in la badalayo golaha fulinta iyo sharci dajinta ee gobalka Tigreega hadda ka jira, kuwaas oo la sheegay in aanay sharci ahayn.

Dowladda ku meel gaarka ayaa ka shaqayn doonta dhisidda xubnaha fulinta,meel marinta miisaaniyadda gobalka iyo diyaarinta doorashooyinka.

Aqalka sare ee Ethiopia ayaa horay u joojiyay wada shaqaynta maamulka hadda ka jira Tigreega, waxayna ku tilmaameen kuwo aan dastuurka waafaqsanayn.